Saturday, January 3, 2015

SONYO Khilaafkeedu wuxuu dogobyo sii saaray Dayowgii dhalinyarada Haystay

Ugu Horayn (ASC), Bacdigeed Midowga dhalinyarada iyo inay yeeshaan marjac laga maamulaa waxay muhiim u tahay da’yartan  Somaliland ee majarahabawsan,  dhalinyaradan maalinba siyaasi danayste ah iyo Afmiishaar  ku guurayo, da’yartan warbaahinta kaga faanaysa reer hebel iyo hadaan hebel sidaa loo yeelin, Da’yartan badaha ku dhamaatay aqoonyahankoodii ardaydii jaamacadaha iyo dugsiyada sare kujirtayna ay hiigsanayaan dal shisheeye, dhalinyaradan ku mashquulsan maalin wax la quuto ee aan maankaba ku haynin dalkan iyo dadkan inaanay cidi u maqnayn ee iyaga uu maankooda iyo muruqooda dugsanayo.

Inkastoo ay aad u badan yihiin dhalinyarada hanka iyo hiigsiga leh ee u han wayn dalkooda hooyo iyo u hagar bixiisa, hadana sida maalin walba inoo muuqanaysa waxay muujinaysaa  calaamad guul daro, metelan markaad aragto dhalinyaradii aqoonyahanka ahaa oo urur reereed ka soo dhex hadlaya ku hanjabaya oo ugu muusoonaya reer hebel kale oo aanay waxba dhex marin, markaad aragto dhalinyaradii ururada bulshada oo hayb hayb isu hormaystay hogaankoodana doonaya inay ku doortaan sidii ka dhacday hada daladii dhalinyarada ee SONYO.

Shakhsiyan anigoo SONYO u arka madal dhalinyaro oo ay da’yar aqoonyahan ahi isku hawleen hirgelinteeda inay guulaysato oo la sii dhiirigeliyaana ay mudan tahay,  wallow aanay da’yartu ku dhamayn oo ay  keliya metesho dhalinyarada Ururada dhalinyarada qaybo ka mida, hayeeshee in ishii keliya ee jirtayna ay qabyaaladowdo oo lagu qaybsado hogaankeeda reero iyo caadadii dalkeena halkaa dhigtay waxay iigu muuqataa ifafaalo xun oo aan lagu sii dhiiran Karin.

Dalada Dhalinyarada SONYO khilaafkeedaas keenay inay doortaan laba Hogaan oo kala madax banaan waxay keenaysaa burbur midnimada ururadii ku midaysnaa dalada iyo in si wadajira loo sii wada shaqeey.  Daladuna iyadoo markii horeba ay koobnayd inta ku midowday haday intiina laba tiro ahaan aan kala fogayn u sii kala qaybsamaan  laf-jab bay ku tahay dhalinyarada  waana in sida ugu dhakhsaha badan laysugu soo dhaweeyaa, oo ku jiqsiida iyo isku muquuninta Codka ama haynta maamulku aanay noqon wax lagu kala adkaado waxaanay sababaysaa in raga iska soo horjeedaa isu-muuqdaan oo is xiniinyo taabtaan,  Xal ka gaadhista ugu yaraan SONYOdii jirtayna ay adkaato.


Dalada dhalinyarada SONYO , wasaarada dhalinyarada iyo da’yarta kale ee aqoonyahanka ahba waxaan Soo jeedin lahaa in la aas-aaso Gole dhalinyaro oo heer gobol ilaa heer qaran ah, madal siyaasad ahaan iyo afkaar ahaanba madax banaan oo ka talo bixisa horumarinta dhalinyarada iyo sidii dalkan cududdiisa dhalinyaro laysugu xidhi lahaa loogagana faaidayn lahaa.

Gabagabada Maqaalkaygan waxaan ku soo koobayaa dhalinyarada reer Somaliland waa isku hayb, waa isku Dan, way is huran yihiin waxaanay u baahan yihiin in laysu ururiyo ee uma baahna in lakala dhex dhigo caqabado iyo afkaaro aan iyaga anfacayn balse cidi ku aflaxayso, dhalinyarada Somaliland waxay u baahan yihiin Horumar ay kaga hakadaan badahan ay ku dhamaadeen oo ay dhulkoodan ka dhigaan mid laysu soo halaago oo loo soo tahriibo.


Intaan Saxay  Eebaa ku mahadsan wixii iga qaldamayna shaydaanbaa iska leh




Suleymaan Cabdisitaar Dubad (Samataliye)
cabdisitaar@hotmail.com
www.samotaliye.blogspot.com
+252-63-4430873
Hargeysa Somaliland



Wednesday, June 11, 2014

KULMIYE KARKIISU BULSHADA YUU KALA FOGAYN Qalinkii Suleyman Cabdisitaar Dubad (Samataliye))




Saxaafada Madaxa banaan iyo ta dawliga ah Iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland waad salaaman tihiin, bacdigeed  ilaahaybaa mahad leh I waafajiyey qoraalkan.
Ayaan darada dalkii ku habsatay waxay noqotay in Xisbigii shacabku u codeeyeen ee badiba Somaliland umadeedu kalsoonida buuxda siisay inay hagaan siyaasada iyo hogaaminta dalka iyagii looga baqo amnigii aynu mudada ku soo jirnay , waxay noqdeen laba group oo mid waliba ka kale ku eedeeyo inuu wado arbush iyo qulqulatooyin amni xumo, KULMIYE waxa dalka loogu dhiibay inay u hogaamiyaan jid uu ku horumari karo oo isla markaana la jaanqaado dunida horumartay, waxa loo doortay inuu danyarta masaakiinta ah ee dalka gudihiisa ku dayacan uu u damqado kana saaro dibu dhaca ay kujiraan, waxa loo danaynayey inuu da’yarta ka badbaadiyo tahriibka iyo badaha ay ku le’deen, waxaynu ka rabnay inuu ka rumeeyo rajooyin doora oo uu inagu ruxruxay waagay u ordayeen doorashada, Waxa looga doorbiday xisbiyadii kale inuu kobciyo dimuqraadiyada iyo xoriyatul qawlka, waxaynu ka filaynay inuu qarankan gaadhsiiyo Ictiraaf iyo qaran lugihiisa isku taaga. 




Khilaafka Kulmiye dhexdiisu ma demin weli waxaanu taagan yahay halkii u saraysay wallow guurtidu go’aan gaadhay garabyaduna ugu garaabeen guuxii doonaaba ha jiree goobta ka sheegay inay gartoodaas la soo gunaanaday ay ku qanceen, hadana sida aynu wada ognahay garabkii gudoomiyuhu arinkaas aad uguma qanacsana waxa bilaabmay In kooxina ka shaqayso sidii go’aankii guurtida loo taageeri lahaa xaga dhanka kalena ay isku hawleen in la sameeyo cambaarayn go’aankan lagaga soo horjeedo.

KULMIYE iyo garabyadiisa kala jiraa waxay sabab u noqdeen in amaanku khalkhalo iyadoo la og yahay in ay hakad kujiraan isu socodka wadamada aynu jaarka nahay (Djibouti iyo Ethiopia) oo shaki ka qaba xaalada amaan ee dalka, go’aan qaadashada hagaajinta xidhiidhka wadamada jaarkuna waa mid daciif ah oo in marka wax dhacaan lays daba yaaco mooyee aan ka hortag iyo siyaasad lagula tacaala midna aanu jirin, Danaha laysku qabaana waa qaar laba dhinac ah maaha in mar walba dhan qudha la tuso baahidooda ee waa inay mararka qaar Somalilandna go’aan lidi ku ah qaadataa danaha geeska kale.

Inkastoo KULMIYE ay ku jiraan badiba labeenta iyo haldoorka Bulshada Somaliland layskuna seegayo afkaaraha iyo aragtiyaha maamul ee dalka iyo mida xisbigaba hadana muhiimadu waa masuuliyada ay hayaan oo ay muujiyaan isuguna tanaasulaan halka inta badani marto, si aanay u dayicin wixii loo diray nidaamkan dimuqraadiga ahna aanay u adeegsan reero iyo dano shakhsi.

Maanta dalku wuxuu marayaa xaalad xun oo waxay gaadhay in beel beel xaflado loo qabsado bulshadiina ay ukala qoqobanto reer reer oo siyaasadii ay noqoto mid minqiyaaskeedu reer hebel noqdo siyaasi han kursi leh ayaa ku guuray oo bulshadii iska hor keenaya.

Xisbul Xaakimka KULMIYE  laba miduun  Baa waajib ku ah  
1)  inuu soo gebagebeeyo khilaafka dhexdooda ah Hogaanka Xisbiga KULMIYEna loo daayo maamulka xisbiga oo wasiiirada iyo xubnaha xukuumada ee aan ku jirin golaha Fulinta ee xisbigu waa in ay faragelinta ka daayaan madaxda xisbiguna waa inay ixtiraamaan golayaasha kala duwan ee xisbiga iyo talada hogaanka guud Gudoomiyuhuna ha yaqiinsado inuu labada garaba masuul ka yahay isu soo jiidkoodana isaga ay saaran tahay ee ficiltankooda uu ka fogaado.
2)  Haday taas koobaad suurogal aanay ahayn Talada dalka hayska wareejiyaan bulshadana ha ku celiyaan masiirkooda waayo iyagiibaa khatar bulshada ku ah.
Waxaynu haynay hayaan horu-socod oo aan ku hamiyaynay in dalkeenu ku hiigsado dalalka horumaray, waxaadse moodaa in uu hakad galay xukuumadiina ay ku mashquushay 5ta sano ee soo socda, xisbigeeda dhexdiisiina qodaxda ugu badani u taalo.
Gebagebada maqaalkan waxaan ku soo gunaanadayaa KULMIYE waxa isku haysta shakhsiyaad kursi iyo dano shakhsiyeed oo iyaga khaas u ah leh laakiin aanay ahayn reero dano gaara ka leh, Yaanay bulshadu u kala qaybsamin isir iyo reer ee qof waliba afkaartiisa ha cabiro hankiisa iyo hamigiisana yaanu hoos geyn nin hore tiisii meel u dhigay hebelna hayb ugu rahmanaan.
Da’yarta iyo aqoonyahanka waxaan u soo jeedinayaa inaanay ku milmin qabyaalada uu nin dan lihi kuu isticmaalayo waana inaynu ku dedaalaa inaynu dalkan ka dhigno mid qabyaalad iyo qudhun ka caagan Saxaafada lafteeduna ha ka waantawdo wixii bulshada isku duubnideeda dhaawici kara

Intaan Saxay Eebaa ku Mahadsan wixii aan Qaldayna Shaydaan baa iska leh


Suleyman Cabdisitaar Dubad
Hargeysa Somaliland

Sunday, April 20, 2014

Lib Dems submit motion on Somaliland’s right to be recognised as a sovereign state

The Liberal Democrat group have submitted a motion to be moved by Councillor Christian Martin (Clifton East) on the right of Somaliland to be recognised as a sovereign state, the motion is outlined below:
“This council believes that Somaliland – where more than 10,000 people now in Bristol originated – should be recognised as a sovereign state.
Somali-landers make a significant contribution to our city and the council notes that members of this community in Bristol would strongly urge us to support growing pressure to recognise their country as independent, allowing it a seat at the United Nations.
Somaliland declared independence from the Somali Republic in 1991 following a long war. However, it has never been recognised by the UN or the Africa Union, despite a campaign by its politicians, diplomats and prominent citizens.


<script async src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/js/adsbygoogle.js"></script>
<!-- Dubad -->
<ins class="adsbygoogle"
     style="display:inline-block;width:728px;height:90px"
     data-ad-client="ca-pub-8882003517706431"
     data-ad-slot="3390351508"></ins>
<script>
(adsbygoogle = window.adsbygoogle || []).push({});
</script>

This council recognises the strength of Somaliland’s cause and the fact that it is a stable democracy, where there have been four elections over the last two decades and where opposition parties are free to represent the interests of their supporters.
The Somaliland government, which does not receive international aid and keeps its waters free of piracy, believes recognition would help to entrench democracy in the Horn of Africa.
Recognition would also, it believes, help to strengthen international co-operation in the fight against terrorism and other major criminal activity, including the dumping of toxic waste. It would allow Somaliland to market itself as a safe destination for tourists and attract jobs and international banks.
This council, therefore, calls upon the British government to recognise Somaliland as an independent state and to encourage other governments around the world to do the same.”


<script type="text/javascript"><!--
google_ad_client = "ca-pub-8882003517706431";
/* salo1 */
google_ad_slot = "1721720302";
google_ad_width = 160;
google_ad_height = 600;
//-->
</script>
<script src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js" type="text/javascript"><script type="text/javascript"><!--
google_ad_client = "ca-pub-8882003517706431";
/* Golis */
google_ad_slot = "6171403103";
google_ad_width = 336;
google_ad_height = 280;
//-->
</script>
<script src="//pagead2.googlesyndication.com/pagead/show_ads.js" type="text/javascript">
</script>

Saturday, December 7, 2013

adss

Friday, November 29, 2013

Tuesday, October 15, 2013

CIID MUBAARIK

 
Dhamaan Shacab weynaha Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan gaar ahaana reer Somaliland shacabkeeda, Qoyskayga Qaaliga ah iyo asxaabtayda Qiimaha leh waxaan idin leeyahay CIID MUBARIK " Ilaahay sanadkaa Sanadkiisa nabad, barwaaqo, Horumar, Caafimaadsan , Cimridherer, Cilmi Baahsan Camal Suuban iyo hankeena iyo hiyigeena oo aynu gaadhno ayaan Inoo rajaynayaa Dhamaanteen....
 

Suleymaan Cabdisitaar Dubad

Hargeysa Somaliland 

cabdisitaar@hotmail.com

Tuesday, September 17, 2013

Why drought doesn't have to lead to disaster?

if you've seen any of the photos and TV footage from the ongoing famine in Somalia, you could be forgiven for thinking that the disaster was an inevitability. Coverage often shows a dusty, barren landscape, scattered with few shrubs or trees. So, quite understandably, you could find yourself asking, 'How can people ever survive, and how can food ever grow, in such a tough environment?'



And while it's true that Somalia is a dry country and has been hit by severe drought in the past, what the news often doesn't go on to explain is that despite the challenging conditions, drought does not have to lead to disaster. Far from it, in fact. Because with the right investment, and by putting into practice the right kind of environmental management systems, life – and food – can flourish.
Indeed in some parts of the country it already is. One such example, that I’d like to share with you in this blog, is an Oxfam-funded project in Ga'anLibah.
Stone terraces halt the runoff of topsoil
Ten years ago, Ga'anLibah was on the brink of environmental disaster. In 1988, the outbreak of civil war across Somalia caused a sudden end to decades of conservation work. As conflict engulfed the region, both traditional and governmental management systems disintegrated. Indiscriminate cutting down of mountain trees resulted in the thinning of forest cover and reduced biodiversity. And as trees and grasses began to die away, livestock numbers declined, resulting in a loss of income for the pastoralist farmers who depend on the area to earn a living.
More than a decade later, when the conflict had died down and peace gradually began to return, communities slowly moved back to the region too. And at the same time that people return to their homes, Candlelight (a partner organization that Oxfam works with in the region) began a new initiative of simple but innovative solutions to help the land recover.
Stone terraces were constructed to halt the runoff of topsoil. Indigenous trees – best suited to grow in the dry conditions – were planted.
After only two rainy seasons, new vegetation was growing again. And as the years have rolled on, additional soils have built up, grasslands have recovered, and grazing animals have begun to return. Where the plateau used to be bare, vegetation is now thick.
Widespread famine is completely avoidable
Like many other areas across the Horn of Africa, 2011 has been a dry year for the Ga’anLibah highlands. But despite these challenges, grazing has been relatively good and the highland’s watering points have still been supplying water.
Though Somalia faces a number of complicated challenges that reach far beyond environmental management along, what's important here is that with the right investment and the right pre-planning, widespread famine is completely avoidable.
And what’s more, the pastoralist farmers who depend on the area are now able to earn a living again. This not only means healthier families, but more children getting an education as their families can now afford to send them to school.
As Ahmed Awale, the director of Candlelight, puts it: "The fact that these people find refuge in Ga’anLibah shows our approach was right. The secret is continuity... The same approach is replicable in large parts of Somaliland, and elsewhere in Somalia."

Source Candlelight Official Website 

Sunday, August 25, 2013

“Dhalandhoolka dhalaanka dhib weyn baan ku Qabaa” Qalinkii Samataliye Cabdisitaar Dubad






“Dhadhamada dhalaankani

dhul-shisheeye loo dhigay

dhulgariir ka Daraneee

dhalintii dhulkaygaay

 dheef miyaad u aragteen

dhalanteedka Yurubee

afrikaan dhiciisiyo

Magafiyo dhibtiisii

Saxarii dhunkaal iyo

Cunay Dhaayahaygii

Dhamaantood dadkaygii

Dhimashada u wada qoray”

                Ereyadii Samataliye Cabdisitaar”


Tahriibku waa Aafo, Musiibo iyo mahalako bulshada Afrikaanka guud ahaan gaar ahaana Umadeena Somaliyeed  saamayn baaxadleh ku haysa, waa cudur iyo Caadaysi galaaftay  kumanaan kun oo da’yartii cilmiga iyo cududa u ahayd dalka, waa mushkilad maaraynteeda aynu guud ahaan masuul ka nahay aynu u sii kala mudnaanee, waa Mihnad mudooyinkan danbe meherad u noqotay wax magarato maan-raac ah oo aanay masuuliyadi ka saarnayn umadan haadka shimbiraha iyo hanfiga saxaraha loo dhigayo ama badweyn lagu haligayo  inta huudhi buufimo ah si hoosiis ah habeen loogu guro..

Hadaba su’aasha taagani waxay tahay Tahriibku ma wuxuu noqday tab iyo xeelad aynu waalidkii inagu soo tabcay ugu bedelayno  tiiraanyo, tacab khasaar iyo taftaaf aduunyo?
Inay bulshada cududoodii mustaqbalka iyo maantu ay badaha ku dhamaadaan ma waxay noqotay tamartii ugu danbaysay ee nolosheena aynu kula tacaalo?  Maxaase inaga hortaagan inaynu hankeena iyo himilada mustaqbalkeena ku hagno hiyi toosan oo horumar nafaheena iyo dalkeenaba u horseeda.

Somaliland waa dal hodana oo khayraadkiisa dabiicaga ahi kufilaan karo dunida kalena anfici karo hadaynu madax iyo minjo  isu xulafaysano mustaqbal ifaya oo bulshadu kaga guurto halkan aynu taaganahay  ee niyad xumada iyo rajo beelka da’yarteenii ku abuuray,
Hadaynu guud ahaan qaybaha kala duwan ee bulshada iyo dhinacyada  qaranku ka kooban yahay ay xafiiltanka siyaasadeed iyo isu xulafaysiga shakhsi araga ah intaynu dhan isakaga Tiirino u tafaxaydano tayaynta  bulsho isku tiirsan oo dhaqaale iyo maamul xoogan leh oo musuqmaasuq iyo cadaalad daro ka madhan kuna dhisan mabda’a maamul wanaaga iyo midnimada shacabka, dal dunida kale tusa danahooda si aynu uga iibino Ictiraafka aynu baadigoobka mudada ugu jirnay, dal dunida aqoonsi ka haysta dadkiisuna ku Najaxaan.

Aqoonyahankaa iyo xoogaa dalka ee maalin walba u xidhxidhan safarkaa aan dhamaadkiisa la ogayn iyo bulshadaa bir-magaydadeedii yurub ilaa dalka baylahdeedii waraabuhu ku cunayo,  waa kuwii dalkan ka dhigi lahaa mid isaga loo soo tahriibo oo dunida kale u soo shaqo iyo shaxaad doonato, nasiib darose waxay ka doorbideen in dal kii lahaa uu hagaajistay ay  noloshiisa u hanqal taagan,

Waxaan ku soo ururinayaa maqaalkaygan Tahriibku waa naftaadii oo aad galaafanayso, gumaynayso oo aad gaajaysiinayso , waalidkii oo aad goblaminayso iyo dalkaagii oo aad gaabis gelinayso ee aynu ka dheerayno umadeena, maxasteena iyo dhalaankeenaba ugana digno masiibadan ba’an ee inagu habsatay ee Garbabeelka iyo ganacjabka inagu ah.
 Iyadoo aan madaxweynaha  uga mahadnaqayno gudidii ladagaalanka Tahriibka iyo shaqo abuurista ee uu dhawaan dhisay, waxaan leenahay mudane Madaxweyne Gudidaas weli warkeedu wuu nagu yaryahay hawshanina waa hawl culus ee waa in la dardargeliyaa dhakhsana wax la taaban karo ay u muujiyaan si looga badbaado musiibadan Tahriibka .

Wixii aan Saxay Eebaa ku Mahadsan Intaan Qaldayna Shaydaanbaa iska leh



Qormadii Iyo Qalinkii
Samataliye Cabdisitaar Dubad
+252-63-4430873
Hargeysa JSL

Saturday, July 13, 2013

Mountain gorilla numbers rise by 10%

 A Ugandan survey found that the population has risen from 786 in 2010 to 880 today, due to conservation efforts


The total world population of mountain gorillas has risen to 880, according to census data released by the Uganda Wildlife Authority. Photograph: Anna Behm Masozera/WWF
The world's population of mountain gorillas has increased by more than 10% in two years, new census figures show.
A survey carried out in Uganda's Bwindi Impenetrable national park and released by the Ugandan Wildlife Authority has found that numbers of the critically endangered species, Gorilla beringei beringei, have risen from an estimated 786 in 2010 to 880 today.
Threats to the mountain gorilla – including war, habitat destruction and disease – were once thought to be so severe that the species could become extinct by the end of the 20th century, but the population has increased significantly in the last 30 years.

Drew McVey, species programme manager at WWF-UK, who supported the census as part of the International Gorilla Conservation Programme, said he believed the latest increase was due to conservation efforts that had successfully engaged the local community.

"Mountain gorillas have only survived because of conservation. Protected areas are better managed and resourced than they have ever been, and our work is a lot more cross-cutting to address threats - we don't just work with the animals in the national parks, but also with the people."

McVey said conservation now balanced species survival against the needs of an incredibly poor area with high population pressures, for example, tackling the loss of gorilla habitat due to the illegal collection of firewood by providing the community with access to alternative energy sources.

Mountain gorillas, a subspecies of the eastern lowland gorilla, live in mountain forests in only two locations in the world – Bwindi in south-west Uganda and the Virunga Massif, a range of extinct volcanoes that border the Democratic Republic of the Congo, Uganda and Rwanda.
According to the census report, there are more than 400 mountain gorillas in Bwindi, living in 36 distinct social groups, with 16 solitary males. Ten of these social groups are accustomed to human presence for either tourism or research. A 2010 survey counted 480 individuals in Virunga Massif.
"Gorillas are slow breeders," McVey said. "And we're quite impressed with how much the population has increased."

But McVey said this should not be read as a sign that the fight to save the species is over. "Mountain gorillas are only found in protected areas, and outside these areas there are more than 600 people per square kilometre, so there is immense pressure to secure their habitat and pay their way. We haven't got everything right yet, but it's vital we continue to keep working and build on this success."
Mountain gorillas Uganda’s Bwindi Impenetrable National Park census The number of mountain gorillas has increased from the 2010 estimate of 786 after a count in Uganda’s Bwindi Impenetrable national park. Photograph: Anna Behm Masozera/WWF The greatest current threats to mountain gorillas are entanglement in hunting snares, disease transfer from humans, and habitat loss for agriculture and livestock.
"Gorillas have almost the same DNA as us, and humans can transmit anything from a common cold to ebola. Gorilla populations are incredibly fragile and sensitive to environmental change. There are only two populations, so disease could easily wipe out an entire population," said McVey.
The prospect of oil exploration in Democratic Republic of the Congo's Virunga national park by petroleum companies has also become a cause for concern.


"More people in Virunga would likely lead to an increase in deforestation, illegal hunting and more snares in the forest," said David Greer, WWF's African great ape programme manager. "At least seven Virunga mountain gorillas have been caught in snares this year and two did not survive. The gorilla population remains fragile and could easily slip into decline if conservation management was to be disregarded in the pursuit of oil money by elites."
The number of mountain gorillas declined dramatically during the 1960s, stabilised during the 1970s and started to increase in the 1980s. Political instability and war prevented a complete census until 1989, when it was revealed that there were 620 individuals.


The war in Rwanda in the early 1990s and years of civil unrest in the DRC led to poaching and destruction of gorilla habitat and made survey and conservation work difficult and dangerous. Since 1996, 140 Virunga rangers have been killed in the line of duty, including one in May.
Many mountain gorillas have become accustomed to human presence and are a major tourist draw. In 2009 Virunga national park – home to the largest mountain gorilla population – received 550 visitors. This year visitors were projected to reach 6,000.


"The amount of revenue and jobs that gorillas generate is so important for these areas that are so desperately poor," McVey said. "People really see gorillas as important for the national and local economies, and a portion of this goes back to conservation efforts and the local community."
But park authorities have been forced to suspend tourism again after fighting, and last month a Congolese rebel group accused of killings, mass rapes and other atrocities was found to be using the proceeds of gorilla treks to fund its insurgency.

by :

Thursday, May 30, 2013

Xukuumadda Somaliland Oo Mamnuucday Goynta Iyo Shidista Dhirta Qoyan,Baaqna U Dirtey

"madaxda ay warqadani ku socoto inay si waafi ah oo waxtar leh ula shaqeeyaan Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka iyo Guddiyada Tuulooyinka oo si mutodawacnimo ah doonaya in wax uga qabtaan ololka iyo xaalufka ba?an ee lagu hayo dhirteen"




Hargeysa(SAMOTALIYE) Xukuumadda Somaliland ayaa mamnuucday goynta iyo shidista dhirta qoyan, isla markaana waxay sheegtay in tallaabo adag laga qaadi doono ciddii lagu qabto oo  sharciya.
Sidaasi waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta soo saaray Wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Dr. Maxamed Siciid Maxamuud (Gacamey), waxaanu u dhignaa sidan:-


"Ka dib markii ay Na soo gaadhay qeylo dhaan nagaga timid gudaha iyo goonyaha dalka oo dhan ee ku saabsan gumaadka iyo xaalufinta lagu hayo dhirta qoyan, isla markaana aan aragnay illaa xadka ay ka damqanayaan odayaasha, salaadiinta, cuqaasha iyo waxgaradka deegaamadda Somaliland dhibaatada ka timid xaalufka dhirta sida dabiiciga ah u baxda iyo ololka ka baxaya deegaamada Somaliland oo dhan.
Haddaba, Annagoo tixraacayna Xeerka ka hor-taga xaalufka iyo nabaad guurka dalka ee 04/98 qodobkiisa koowaad Xarafkiisa A iyo B iyo 2-aad xarfihiisa A iyo B.
Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta Miyigu waxa uu soo saaray wareegtadan:-
Laga bilaabo maanta oo taariikhdu tahay 29/05/2013, waxaan joojinay gaynta, garaacista iyo jarista geedka qoyn, waxaana manuuc ah in dhirta qoyn loo isticmaalo dhuxul, dhisme iwm.
Sidaasi darteed, waxaan farayaa dhamaan madaxda ay warqadani tooska ugu socoto, in cidii lagu helo arrimaha kor ku xusan ee wareegtaydani mamnuucaso la marayo ikhaabta qodobka 17aad ee xeerka ka hortaga xalufka iyo nabaad-guurka.
Waxa kale oo aan ku adkaynayaa madaxda ay warqadani ku socoto inay si waafi ah oo waxtar leh ula shaqeeyaan Salaadiinta, Cuqaasha, Waxgaradka iyo Guddiyada Tuulooyinka oo si mutodawacnimo ah doonaya in wax uga qabtaan ololka iyo xaalufka ba?an ee lagu hayo dhirteen dabeeciga ah."

Sunday, May 26, 2013

Weedha Tafatiraha Guud Samotaliye Cabdisitaar Dubad


Ku soo dhawoow Degelkan Samotaliye oo ah degel imika ku soo biiray degelada Online ka ah Degelkan waxaan si cilmiyaysan ugu soo bandhigi doonaa qoraalada muhiimka u ah bulshada haday tahay deegaanka, Waxbarashada, dhiirigelinta Dhalinyarada, Horumarka guud ahaan Bulshada iyo fikir kasta oo aan u arko inuu wax tarayo umada,

Degelkan waxaan meeli uga banaanayn siyaasada isqabqabsiga ah ee bulshada dhexdeeda iyo aragtiyaha kala duwan ee Xisbiyada afkaaraha bulshada wax u taraya ee siyaasiga ahse way ka muuqan doonaan.


wax kasta oo aad u aragtaan in ay qaldan yihiin ama sida loo gudbiyey wax ka si yihiin Fadlan ila wadaag waxaan tixgelin doonaa afkaaraha macquulka ah ee bulshada iyo haldoorka umada ka yimaada.


Samotaliye  Cabdisitaar Dubad
Tafatiraha Mareegta Samotaliye

Friday, May 24, 2013

Bulshoy Adigay Boqraday



Bulshooy adigay boqraday
Beerkayga adaa gogladey
Bogeyga adaa huwadey
wadnaha adigaa barkaday
bishmaha adigaa furfura
Markii lagu bililiqaysto
Markii baaqagu yeedho
Ayaan boholyoow gabyaa
Dareenku baraarugaa

Abwaan Mohamed Ibrahim Warsame (HADRAAWI)

Thursday, May 23, 2013

ISKA SOO KUUDUDKEENA IYO DUNIDAN SII KULULAANAYSA

Isbedelka cimilada ayay culimada saynisku saadaalinayaan inuu qarnigan 21aad meel halisa gaadhi doono tan oo ay sababyso dikhawga hawada ee ay samaynayaan dawladaha xaga warshadaha ka horumaray, isla markaana waxa uu dikhawgaasi dhaawacay atomosphere ka ama  lakabka hawada ah ee falaadhaha cadceeda ka celiya dhulka  si aanay ugu dhicin si toos ah oo aanay u waxyeelayn.
Isbedelkan cimilada iyo dunida sii kululaanaysa ayaa waxay sababaysaa isbedelo xoogan sida daadad waaweyn, abaaro bahsan iyo duufaano kuwaas oo saamayn doona waxbeerashada, dhuldaaqsimeed iyo meelaha yare e kaymalayda ah isal markaana waxay guuriyaan ciida nafaqada leh ee lakabka sare ee dhulka.


Inakoo ka mida  dadka aan dhibta u geysan hawada isla markaana aan xadi buuran oo c02 Ku sii dayn oo aan lahayn warshado wasekheeya hawada oo ku sii daaya, marka laga tago ta aynu xaalufinta iyo nabaadguurista kuhayno, ayaan ka badbaadayn hagardaamada iyo halista ay leedahay ee ay si toosa inoo saamayn doonta.


Iyadoo taas had iyo goor laynoo sheego ayaynaan hadana isku dayin sidii aynu wax ugu darsan lahayn dhimista iyo ladagaalanka cimilada isbedelaysa.

Si kataba ha ahaatee anigoo ogsoon in ay jiraan khubaro iyo aqoonyahan arintan ka soo jeedin kari lahaa talooyinka ugu muhiimsan ee wax lagaga aban lahaa, hadana waxaan talo ku soo jeeinayaa dhawr qodob oo kooban oo aan u arko in lagu yarayn karo cimiladan isbedelaysa doorkeenana kaga qaadan karo.

  1. In ururada bulshadu tixgelin gaara siiyaan muhiimada arintani leedahay isla markaana xooga saaraan sidii wax loogu qaban lahaa.
  2. In xukuumadu samayso siyaasad mug iyo miisaan leh oo lagu waajahayo arintan
  3. In la dhiiri geliyo dalag beerashada, dhirbeerista iyo barnaamujyada lagu dhawrayo deegaanka iyo cimilada isbedelaysa
  4. In dawladu ku darto Manhajka iskuulada Hoose, Dhexe iyo sareba daryeelka iyo horumarinta Deegaanka
  5. In shakhsi kasta uu ku darsado qorshihiisa sidii uu uga qayb qaadan lahaa dhimista dkhatarta dunida sii kululaanaysa iyo daryeelida deegaanka.

Waxaan qalday shaydaanbaa iska leh intaan asiibayna Eebaa ku mahadsan










Qormadii iyo Qalinkii
Suleymaan Cabdisitaar Dubad
Hargeysa Somaliland
cabdisitaar@hotmail.com
00252-2-4430873/9430873